Ilaalinta caafimaad-qabka bulshadeena—si wadajir ah
Dad badan waxay su’aalo ka qabaan tallaalada. Webseedkani wuxuu jawaabo ka bixinayaa qaar ka mid ah su’aalaha ugu badan si lagaaga caawiyo inaad go’aannada caafimaad ee ugu wanaagsan u gaarto naftaada iyo qoyskaaga.

Shaqada farshaxanka waxaa leh Wasima Farah
Jawaabo u hel su’aalaha caanka ah ee ku saabsan tallaalada
Waalidiinta waxay rabaan inay ilaaliyaan badqabka carruurtooda, tallaalada ayaana qayb ka ah arrintaas. Guji su’aal kasta oo hoose si aad waxbadan uga ogaato tallaalada iyo sida ay u ilaaliyaan bulshadeena.
Hel jawaabo ku saabsan jadeecada
Jadeecadu waa cudur halis ah. Waa muhiim inaad haysato dhammaan xogta lagu ilaaliyo qoyskaaga iyo bulshadaada. Guji su’aal kasta si aad u aragto jawaabta.
Waa maxay sababta ay jadeecadu aad khatar ugu tahay?
Jadeecadu kaliya ma ahan finan, waxayna aad khatar ugu noqon kartaa carruurta yaryar. Nasiib darro, carruurta Mareykanka waxay xitaa jadeeco u dhinteen 2025, qaar badana way la xanuunsadeen. Jadeecada waxay keeni kartaa qandho daran, shuban, dhibaatooyin sambabada ah (burkiito), dhagoolnimo, iyo bararka maskaxda. Dhibaatooyinkani waxay keeni karaan waxyeello waarta waxayna carruurta aad halis ugu gelin karaan caabuqyada kale.
Jadeecadu waa mid aad u faafta. Waxay waxyeellayn kartaa bulshada oo dhan, ma aha oo kaliya canugaaga, marka waa muhiim in la ogaado calaamadaha: qandho, qufac, sanka oo ay wax ka socdaan, iyo indho cas, oo ay ku xigaan finan kuuskuusyo cas leh oo badanaa ka bilowdo wejiga kadibna ku faafa jirka intiisa kale.
Haddii aad aragto calaamadahaan, gaar ahaan saddex toddobaad gudahood kadib ka soo laabashada safar dibedda Mareylanka ah, joog guriga oo wac dhakhtar isla markaaba.
La sheekaysiga Dr. Mahad Ururshe
Ka dhagayso dhakhtarka carruurta wax ku saabsan doorka muhiimka ah ee ay tallaaladu u leeyihiin ilaalinta bulshadeena iyo xog ku saabsan tallaal kasta oo ay tahay carruurtu inay qaataan.
Tallaalada uga dhig bulshadaada mid badbaadsan oo caafimaad qabta
Ma rabtaa inaad waxbadan ka ogaato? Daawo muuqaalkan Maxamed iyo wiilkiisa Xasan oo ka hadlaya muhiimada ay tallaalada u leeyihiin inay na difaacaan anaga oo dhan.


